Somali News

Mareykanka oo baadi goobaya maxaabiis ka baxsaday xabsi ku yaala dalkaasi

Lix maxbuus ayaa baxsad ku ah gudaha dalka Mareykanka kaddib markii ay dabayaaqadii isbuuca jabsadeen xabsi ay ku jireen oo ku yaalla gobolka California, iyagoo isticmaalay xarig ku meel gaar ah oo ay sameysteen.

Tobannaan dambi baareyaal ah ayaa gobolkaas ka wada howlgal lagu raadinayo ragga xabsiga ka baxsaday.

Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa shacabka uga digay in maxaabiista soo baxsatay ay noqon karaan “kuwo hubeysan oo khatar ah”.

Mid ka mid ah ragga dhuumaaleysiga ku jira ayaa u xirnaa dacwad la xiriirta dil.

Jabsashada xabsiga ayaa dhacday xilli dambe oo habeenkii ay Axadda soo galeysay ah, sida uu sheegay sarkaal lagu magacaabo Vernon Warnke, oo ka tirsan booliska magaalada Merced.

Ragga dambiileyaasha ah ee baxsadka ah ayey u suurtagashay in ay ka baxaan saqafka kore ee xabsiga dhexe ee magaalada Merced, gobolka California, kaddib markii ay adeegsadeen xarig laga sameeyay harqadaha barkimaha oo la isku xirxiray.

Xigasho;-BBC