Muqdisho-KNN-Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in ay baari doonaan duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka ay ka fuliyedn meel magaalada Muqdisho u jirta dhowr iyo toban Mile.
Duqeynta ayaa taliska wuxuu sheegay in ay la beegsadeen dagaalameyaasha Al-shabaab’ isla markaana ay ku dileyn dhowr iyo toban dagaalame oo Al- shabaab ah.
Duqeynta oo dhacday Arbacadii ayaa Mareykanku wuxuu sheegay in ay baarayaan in duqeyntaas dad rayid ah khasasro ka soo gasray iyo in kale.
Taliska AFRICOM ee Maraykanka ayaa hore loogu eedeeyay in dad rayid ah ay ku dileen weeraro ay si wadajir ah uga fuliyeen dalka Soomaaliya ciidamada milatariga Soomaaliya