Uncategorized

Mareykanka oo Balaarinaya Saldhiga Balli-doogle ee gobalka Shabeelaha Hoose. SAWIRO.

Balli-doogle-KNN-Wargeyska  Vice News ee ka soo baxa Maraykanka ayaa maanta oo sabti ah Daabacay in Mareykanka uu ballaariyay Garoonka Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo ay ku xareysan yihiin Ciidamo Soomaali iyo Maraykanka ah.

Gabar Wariye ah oo warbixintaan qortay ayaa sheegtay in dowladda Mareykanka ay ballaarisay dhismaha garoonka Milleteriga Balli-doogle oo loo rogay saldhig weyn oo Mareykanka ku yeeshaan Soomaaliya.

dhismayaasha ku dhax yaal saldhigga ayaa waxaa lagu diyaariyay inka badan 800 oo sariirood,in kabadn 200 oo ka mid ah sariirahaas waa la dhameystiray, waxaana lafilayaa in sariirahaas ay jiifsadaan Askar iyo Saraakiil American ah sida warbixinta lagu xusay.

Meliteriga Mareykanka ayaa si qarsoodi ah Balli-doogle uga dhigay saldhigga sedaxaad ee ugu weyn Saldhigyada milleteri ee Qaaradda Afrika marka laga reebo saldhigyadiisa ku yaala Jabuuti iyo Niger.

Qandaraaslayaal  Melleteri oo American ah ayaa Vice News u xaqiijiyay in dhismaha saldhigga Balli-doogle uu ahaa mid qarsoodi ah soona billaawday Bishii January 2017.

Saldhiggan waxaa markii sii hore sameeyay Midowgii Soviet-ka ee Russian Federation,waxaana hadda horumarin iyo dib u dayactir ku haya qandaraaslayaal Mareykan ah.

Saraakiisha AFRICOM ee ku sugan wadanka Jabuuti ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan ballaarinta saldhigga Balli-doogle balse Qandaraaslayaasha Milleteri ee ka qeyb qaatay dhismaha saldhiggan qarsoodiga ah ayaa xaqiijiyay in uu jiro dhaq dhaqaaq xooggan oo Mareykanku ku doonayo inuu ku xoojiyo howlgallada uu ka wado Soomaaliya.

Markii uu talada Mareykanka la wareegay Donald Trump,waxaa uu Mareykanka Soomaaliya ka geystay 48 weerar oo dhinaca cirka ah waxaana uu sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee uu ka wado Soomaaliya.

Askari ka mid ah Soomaalida joogta Balli-doogle ayaa u sheegay Vice News in Maalin kasta ay diyaarado dagaal ka dhoofaan kuna degaan Garoonka kuwaas oo ay leedahay Dowladda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa horay u sheegtay in markii ugu horreysay Ciidamo gaaray 500 oo Mareykan ah ay joogaan dhulka,kuwaas oo meelaha qaar kula dagaallama Al-shabaab la taliyayaal dhinaca amaanka ahna u ah AMISOM iyo dowladd Soomaaliya.

Warbixintan waxaa lagu sheegay in Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ay maalgelisay dib u dhiska iyo ballaarinta lagu sameeyay Balli-doogle,waxaana heerka ballaarinta lagu sheegay labo jibbaarka intii uu ahaa markii hore.