Uncategorized

Mareykanka oo beeniyay in Al shabaab Askari ka tirsan ciidankooda ay ku dileen Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Wasaarada arimaha dibada dalka Mareykanka ayaa war kasoo baxay ku beenisay Askari Mareykan ah oo shalay Al-shabaab ay sheegeen in ay ku dileen dagaal ka dhacay duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Jubaland.

Al-shabaab ayaa shalay waxay baahiyeen in dagaal ay la galeen Ciidamada dowladda oo garab ka helaya ciidamada AMISOM, kuwa Mareykan ah ay ku dileen Askari Mareykan ah iyo Ciidanka ka tirsan kuwa AMISOM, laakiin taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) oo arintaan ka hadlaya ayaa sheegay in dagaalamayaasha Al-shabaab aysan Askar kaga dilin duleedka magaalada kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayna bad qabaan dhamaan ciidamada Mareykanka ah ee Soomaaliya ku sugan.

Taliska Mareykanka Afrika ee (AFRICOM) ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ka wadaan howgalo lagu dagaalamayo Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalamo, isla markaana ay siiwadi doonaan weerarada ka dhanka ah  Al-shabaab.