Muqdisho-KNN-Waaxda Gaashaandhigga Mareeykanka ayaa diiday eedeeymo ku xusan warbixin ay soo saartay Heey’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty international taasi oo shaaca ka qaaday in duqaymaha Mareeykanku uu Soomaaliya ka geeysto uu ku laayay Dad shacab ah.
Taliska Mareeykanka ee Qaaradda Africa ayaa sheegay in aysan jirin waxyeelo shacab oo ka dhalatay duqaymaha ka dhanka ah Al-shabaab.
“Qiimeeynteena waxaan ku ogaanay in duqayn ay AFRICOM fulisay aysan ka dhalan khasaare shacab ama dhaawac,,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Taliska Africom.
“Qiimeeynteenu waxaa ay ku saleeysantahay taxliinin duqaymaha kadib ah iyadoo la siticmaalo hanaan sirdoon oo aysan heli Karin heey’adaha aan military-ga hayn” ayaa lagu xisay warka Taliska AFRICOM.
Intii ay baaritaanka waday heey’adda fadhigeedu yahay London ee Amnesty International ayey sheegtay in ay ku ogaatay in Shan duqaymood kaliya uu Mareeykanku ku dilay 14 ruux oo shacab ah.
Labaddii sano ee lasoo dhafay iyo horaanta sanadkaan ayaa Mareeykanku waxaa uu Soomaaliya ka geeystay in ka badan 1oo duqaymood.
Heey’adda ayaa khasaaraha Shacabka waxa ay u sababeeysay Amarka Madaxweyne Trump ee kordhinta weeraradda ka dhanka ah Al-shabaab iyo yareynta heerka badbaadada ee duqaymaha.