Somali News

Mareykanka oo Bilaabay Qab Qabashada Muhaajiriinta aanan Diiwan Gashaneyn.

Muqdisho-KNN-Mas’uuliyiinta dowladda Mareykanka ayaa bilaabay hawlgal lagu qab qabanayo muhaajiriinta aanan diiwan gashaneen ee ku nool gudaha dalkaasi,

Qab qabashada muhaajiriintaas ayaa timid kadib markii dhamaadkii Todobaadkii hore uu balan qaaday Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump in lamusaafiri doono muhaajiriin badan.

Waaxda Faderalka Mareykanka u qaabilsan muhaajiriinta ayaa lagu waday in shalay ay hawlgalo dadkaasi lagu qab qabanayo ka bilawdo ugu yaraan 10 magaalo oo qorshuhu ahaa in lagu xir xiro illaa iyo 2,000 oo ka mid ah muhaajiriinta aanan diiwaan gashaneen.

Duqa magaalada New York, ayaa sheegay in illaa iyo sadax hawlgal oo lagu qab qabanayo muhaajiriinta aanan sharciyasneen laga bilaabay magaaladiisa, balse Duqa New York  ayaanan sheegin inta ruux ee hawlgaladaasi lagu qabtay.

Hey’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa aad u cambaareeyay go’aanka uu Madaxwaynaha Mareykanka ku musaafurinayo muhaajiriinta aanan diiwan gashaneen.