Muqdisho-KNN-Wasaarada difaaca ee dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in illaa iyo kun askari ay ku biirinayso ciidamadeeda kajooga gobolka bariga dhexe.
Xoghayaha difaaca Mareykanka Patrick Shanahan ayaa sheegay in ujeedka ciidamadan dheeraadka ah uu yahay jawaab ay kabixinayaan waxa uu ku sheegay hab dhaqanka cadaawada ku salaysan ee ka’imaanaya xoogaga Iran.
Ciidamada bada ee dowlada Mareykanka ayaa soo bandhigay sawiro cusub oo muujinaya in ciidamada kacaanka islaamiga ah ee Iran uu ka danbeeyay weerarkii dhawaan lagu qaaday maraakiib shidaal oo marayay gacanka Cumaan.
Iran ayaa Isniintii ku dhawaaqday in aysan qayb kasii ahaaneen heshiiskii hubka Niyukleerka oo ay quwadaha caalamiga ah lagashay sanadkii 2015’kii.
Xoghayaha difaaca ee Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka Mareykanku uusan ahyn dagaal uu lagalo Iran balse ay ciidamadan kaga gon leeyihiin sugida hubinta badaqabka ciidamadooda iyo danaha ay ku leeyihiin gobolka.
Wali macadda halka lageenayo ciidamadan cusub ee uu Mareykanku ku biirinayo kuwa kajooga Gobolka Bariga Dhexe.