Somali News

Mareykanka oo Canada ka qaaday Canshuur dheeri ah uu horay u saaray alaabtiisa

Muqdisho-KNN-Dowlada Mareykanka ayaa dhigeeda Canada lagaartay heshiis ay kaga qaadayso canshuura dheeri ah oo ay horay ugusoo rogtay alaabta ay usoo dhoofiso gudaha dalka Mareykanka.

Shir ay si wadajir ah u qabteen masuuliyiin kakala socdo labada dowladood ayaa looga dhawaaqay in 25% boqolkiiba la qaaday canshuurtii saarneed birta ay soo dhoofiso Canada iyadoona 10% boqolkiibana laqaaday alaabta almuuniyoomka.

Canada ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in ay qaadayso canshuurihii dheeraadka ahayd oo ay horay u saartay alaabta Mareykanka ee gudaha Canada loosoo dhoofiyo.

Mareykanka ayaa Canada heshiis lagaaray iyadoona sidookale lagu wado in uu dhawaan heshiis lagaaro dalka Mexico.

Heshiiskan ganacsi ayaa kusoo beegmaya xilli uu Mareykanku dagaal dhanka ganacsiga ah kula jiro dalka Shiinaha oo ay iskusoo rogeen canshuur balaayiin doolar gaaraya.