Somali News

Mareykanka oo ciidamo dheeraad ah u diraya Gobolka Bariga Dhexe

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah oo gaaraya 1,500 oo askari loo dirayo gobolka bariga dhexe waqti ay sii kordhayso xiisada kala dhaxaysa dalka Iran.

Mar uu wariyaasha kula hadlayay madaxwayne Trump aqalka cad hortiisa jimcihii kahor inta uusan u safrin dalka Japan ayuu sheegay in ujeedka ciidamada dheeriga ah ay yihiin badqabka gobolka.

“Waqti xaadirkan mafilayo in Iran ay doonayso dagaal, aniga uma malaynayo in ay nala dagaalayaan ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxwayne Trump”.

Wakaalada wararka ee AP, ayaa warisay in ciidamadan oo gaaraya 1,500 oo askari isbuucyada soo aadan lageen doono Gobolka Bariga Dhexe.

Wasiirka arimaha dibada ee Iran Javad Zarif ayaa dhankiisa sheegay mar uu booqasho ku tagay dalka Pakistan in dowladiisu ay kasoo horjeedo xiisada military uu Mareykanka abuurayo.

Iran waxa ay arki doontaa dhamaadka Trump balse ma’arki doonto dhamaad Iran ayuu Mr Zarif hadalkiisa sii raaciyay mar uu jimcihii kusugnaa Islamabad.