Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee maleeshiyada Daacish ee Soomaaliya.
Cabdiweli Maxamed Yuusuf ayaa lagu eedeeyay inuu kaalin muhiim ah ka qaaday gaarsiinta dagaalyahannada ajaanibta ah, saadka iyo saanad kale oo ay Daacish u soo wakiilatay.
“Maanta (Khamiis) Xafiiska Ilaalinta Hantida Dibadda ee Waaxda Maaliyadda Mareykanka waxay cunaqabateyn kusoo rogtay Cabdiweli Maxamed Yuusuf, oo ah madaxa xafiiska maaliyadda ee ururka Daacish ee fadhigeedu yahay Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay waaxda Maaliyadda Mareykanka