Somali News

Mareykanka oo Cune qabateyn cusub kusoo rogay dalka Shiinaha

Muqdisho-KNN-Mareykanka iyo Shiinaha ayaa la filayaa in ay cune qabateyn cusub oo gaareysa 16 Billion oo dollar kusoo rogaan Badeecadda dal walba uu dalka kale u dhoofiyo maanta oo Khamiis ah, tillaabadaani waxay qayb ka tahay dagaal ganacsi oo dalalka  u dhexeeya.

Wareegga labaad ee canshuurta ayaa waxaa lagu arki doonaa Wadarta guud 50 billion oo dollar Badeeco u dhiganta, waxayna saameeyn doontaa labadda dal si is dhaaf ah.

Tan iyo billowgii bishii July xiisadda u dhexeeysa labada Dowladood ee aduunka ugu dhaqaalaha badan ayaa korortay, dhaawacc ayaa soo gaaray Shirkadahooda iyo ganacsigoodaba.

Canshuurta Cusub ayaa imaaneeysaa iyadoo la filayo in Saraakiil ka socda labada Dowladood ay ku kulmaan magaalada Washington.

Canshuurta Mareykanku uu kusoo rogay Badeecadda Shiinaha ee dhan 16 Billion oo dollar ayaa waxaa ay dhaqan gali doontaa 12-ka duhurnimo ee xilliga magaaladda Beijing.