Uncategorized

Mareykanka oo cuniqabateen saaray masuuliyiin ka tirsan Dowladda Kuuriyada Waqooyi

Muqdisho-KNN-Dawladda Maraykanka ayaa cunaqabatayn dul dhigtay labo sarkaal oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay, kuwaas oo ay ku sheegtay in ay yihiin kuwa dalka ku hogaamiyay in uu hormariyo gantaalladiisa nukliyeerka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa shaacisay magacyada Kim Jong-sik iyo Ri Pyong-chol iyada oo ku sheegtay “in ay labadooduba yihiin hogaamiyeyaasha barnaamijyada gantaallada riddada dheer ee Kuuriyada Waqooyi.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cunaqabataynno hor leh saaray Kuuriyada Waqooyi Jimcihii, arrintaas oo jawaab u ah gantaalladii uu dalkaasi dhawaan tijaabiyay.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in arrintaasi ay tahay “tallaabo dagaal” ayna u dhiganto cunaqabatayn dhaqaale oo dhamaystiran.