Somali News

Mareykanka oo dib u billaabay kaalmadii uu siin jiray Falastiiniyiinta

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay dib u biilaabeyso kaalmadii dhaqaale ee ay siin jirtay dadka reer Falastiin, iyadoo ku dhawaaqday 235 Milyan oo dollar oo iskugu jirta taageero bini’aadanimo, dhaqaale iyo horumarineed.

Mareykanku wuxuu sheegay inuu ka noqday go’ankii maamulkii Donald Trump ee taageerada dhaqaale looga jaray Falastiin.

Inta badan dhaqaalahan ayaa Mareykanku marsiin doonaa hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Gargaarka Xaqootiga Falastiin ee UNRWA, taas oo lagu wareejin doono 150 milyan oo dollar, halka 75 milyan oo kale uu mareykanku ku maalgalin doono mashaariicda horumarinta dhaqaaha Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.

Hey’adda USIAD ayaa iyana sidoo kale maamuli doonta 10 milyan oo dollar oo lagu kobcinayo barnaamijyada nabadda iyo amniga.

“Kaalmada Mareykanka ee dadka reer Falastiin waxay ka turjumeysaa danaha iyo qayimka muhiimka ah ee Mareykanka” ayaa lagu yiri bayaan uu ku shaaciyay dib u soo celinta gargaarka Falastiin xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken.

Maamulkii Donald Trump ayaa sanadkii 2018 maamulka Falastiiniyiinta ka jaray 200 oo Milyan oo dolllar oo kaalmo dhaqaale oo Mareykanku siin jiray, kaddib markii ay ka soo horjeesteen go’aankii Mareykanku uu Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Isreal, kaddibna ugu raray safaaradda Mareykanka. Isla sanadkaas wuxuu maamulkii Trump ka noqday 300 oo milyan oo mareykanku siinayay hay’adda UNRWA.