Somali News

Mareykanka oo digniin kasoo saaray xaaladda Dalka Ukrain.

Muqdisho-KNN-Mareykanka ayaa ku amray qoysaska shaqaalaha safaaradda ee Ukraine inay isaga baxaan wadankaasi, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa fasaxday shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee kusugan Ukrain, waxayna ku boorisay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Ukraine inay ka feejignaadan weeraro suurta gal ah in ay ka timaado ciidamada Militeriga dalka Ruushka.

Wasaaradda ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay jiraan warar sheegaya in Ruushka uu qorsheynayo tillaabo militari oo weyn oo ka dhan ah Ukraine, balse Moscow ayaa beenisay eedeymaha ah inay qorsheyneyso duullaan kasta oo kadhan ah Ukrain.

Waxayna digniinta wasaaradda arrimaha dibadda ku sheegtay in xaaladda ammaanku “aan la saadaalin karin oo ay sii xumaan karto waqti waliba.”

Madaxa Isbaheysiga NATO ee Waqooyiga Atlanta ayaa ka digay khatarta colaadda cusub ee Yurub, ka dib markii  100,000 oo askari oo Ruush ah ay gaareen xadka Ukrain.