Somali News

Mareykanka oo digniin u diray Shiinaha, Ruushka iyo Iran

Muqdisho-KNN-Mas’uul sare oo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa digniin u diray waddamada doonaya iney saameyn ku yeeshaan doorashada madaxweynaha dalka Mareykanka ee sanadkan 2020-ka dhaceyso.

War murtiyeed uu soo saaray agaasimaha Sirdoonka qaranka Mareykanka Willian Evanina wuxuu sheegay waddama shisheeye inay ku howlan yihiin “saameyn iney ku yeeshaan” cod bixinta doorashada.

Waddamadan “iney kala doorbidayaan cidda doorashada ku guuleysaneyso,” ayuu intaa ku daray.

Mas’uulkan sare ee sirdoonka Mareykanka wuxu sheegay Ruushka inuu faragelin uu ku sameeyey doorashadii 2016-ki dhacday oo uu madaxweyne Trump uu ka caawiyey ololahiisa dooorashada.

Balse Ruushka ayaa eeddaasi gaashaanka u daruuray.

Madawyene Trump oo Jmcihi shir jaraa’id qabtay oo wax laga weydiiyey waxa uga qorsheysan inuu ka qaado faragelinta uu sheegay in lagu hayo doorashada Mareykanka, Madaxweyne Trump wuxuu sheegay maamulkiisu in “si dhow uu ula soconayo” arrinta.

Hadalka ka soo yeeray mas’uulka sirdoonka Mareykanka ayaa ku soo beegmaya xilli uu madaxweyne Trump uu walaac ka muujiyey codbixinta doorashada ee ay dadku ku dhiibanayaan dhanka boostada.

Wuxuuna madaxweynaha uu soo jeediyey in doorashada dib loo dhigo si looga hortago “isdaba marin doorashada la xiriirta oo taariikda dalka Mareykanka dhacda”, isaga oo sheegay iney taasi dhabarjab ku tahay xataa xubnaha xisbigiisa ka tirsan.