Somali News

Mareykanka oo digniin u dirtay Muwaadiniinteeda Ku Sugan Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay maalinta Jimcaha ka ag dhowaadaan Daljirka Daahsoon, oo ah halka la filayo inuu ka dhaco dibad-baxa ay qorsheeyeen musharaxiinta mucaaradka Soomaaliya.

“Marka la eego halista dambiyada rabshadaha wata iyo kacdoonka shacabka, muwaadiniinta Mareykanka waa inay ka dheeraadaan dibad-baxyadan iyo dhaq-dhaqaaq kasta oo dibad-baxa la xiriira.” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowladda Mareykanka.

Qoraalka Safaaradda Dalka Mareykanka ayaa sidoo kale  waxaa ay muwaadiniinteeda u jeedisay talooyin ay ka mid yihiin inay ka fogaadaan goobtaasi lagu bannaanbixi doono, waxaana laga cabsi qabaa rabshado in ay ka dhashaan bannaanbaxa sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka.

Digniinta Mareykanka ayaa imaneysa ayada oo cabsi xooggan ay ka jirto in banaan-baxa mucaaradka uu isku rogo rabshado xilli dowladda Soomaaliya ay isku dayeyso inay ka hortagto, kana hor-istaagto shacabka inay muujiyaan aragtidooda.

Halkan Hoose ka Akhriso