Somali News

Mareykanka oo duqeymo ku dilay xubno ka tirsan Daacish

Boosaaso-KNN-Duqeyn khasaare uu ka soo gaaray dagaalamayaasha Daacish ee ku sugan Puntland ayaa ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Bari,kaasi oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Ciidammada Amniga dowladda Soomaaliya.

War ka soo baxay taliska ciidammada mareykanka ah ee AFRICOM ayaa faah faahiyay duqeymahaasi,waxaana ay sheegeen in ay ku bartilmaameedsadeen goobo ay ku dhuumaaleysanayeen Daacishta ku  jirta deegaanada Puntland.

Warbixin uu soo saaray taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarkaasi circa ah lagu dilay ilaa Lix xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Daacish,kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayey buuraha Goolis ee Puntaland.

Mareykanka ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu joogteeyo weeraradaasi,ilaa la soo afjaro kooxaha kazoo horjeeda dowladda ee ku sugan gudaha Soomaaliya.