Uncategorized

Mareykanka oo duqeyn ka fuliyay Jubbada Hoose

Muqdisho-KNN-Taliska Mareykanka u qaabilsan qaarada Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay in ay weerar cirka ah ay ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabab maalintii Arbacada taariikhdana ay aheed 11-kii bishaan Abriil.

AFRICOM ayaa ku sheegay bayaan ay soo saareen in ciidamada Mareykanka ay sameeyeen duqayn cirka ah oo lagu bartilmaameedsanayay qalabka qarxa ee ku shaqeeya gawaarida.

Taliska ayaa sidoo sheegay in duqeynta ay ka fuliyeen deegaanka Jannaay Cabdalle oo ka tirsan gobolka jubbada hoose, una dhow magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubaland, hadane Taliska kama hadlin khasaaraha ka dhashay duqeyntaas, waxaana inta badan Taliska Mareykanka ee Afrika ay shaaciyaan khasaaraha maalmo ka dib markii ay geystaan duqeymaha nuucaan oo kala ah.

Warkaan qoraalka ah ee ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu yiri waan sii wadi doonaa duqeymaha cirka ah ee aan la bartilmaameedsaneyno dagaalamayaasha Al-shabaab, waxaana sidoo kale ay tilmaameen in duqeyntaasi ay kala tashteen dowlada Soomaaliya si duqeyntaasi loo fuliyo.

Waa duqyantii 12-aad ee Maraykanku sannadkan ay ka fuliyaan  gudaha Soomaaliya taasi oo lala bartilmaameedsaday dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana gaba gabadii qoraalkaan ayaa lagu yiri Al-shabab waa kooxda ugu dhimashada badan Soomaaliya.