Uncategorized

Mareykanka oo duqeyn ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee ka howgala Qaarada Africa ee AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyn ay ka fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn, meel u dhow degmada jilib ee gobolka Jubada dhexe, duqeyn taas oo dhacday gelinkii dambe ee Khamiistii aan ka soo gudubnay.

Taliska ayaa sheegay in duqeynta ay la bar tilmaameysadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, isla markaana ay ku dileyn 3 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Warkaan qoraalka ah oo ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee ka howgala Qaarada Africa ee AFRICOM ayaa lagu yiri Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay weerar ku qaadeen Argagixisada Al-Shabaab meel u dhow degmada Jilib, galabnimadii Khamiista ee shalay waxayna sheegeen in ay ku dileyn Saddex Argagixiso oo Al-shabaab ka tirsan.

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in duqeyn taas ay ku bur buriyeen Gaari nuuca dagaalka ah oo qoryo waaweyn ay ku rakib naayeen.

AFRICOM ayaa ugu dambeyn sheegay in hadda ay bilaabeyn baaritaan ay ku sameynayaan duqeyntaas oo ay sheegeen in ay ku dileyn 3 dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab in uu sidoo kale jiro khasaaro dad shacab ah ka soo gaaray iyo in kale.

Donald Trump Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa saxiixay muddo kordhin lagu sameeyay xaaladda deg degga ah ee uu Mareykanka uu saaray Soomaaliya sanadkii 2010kii, taas oo keyntay walaaca Mareykanka uu ka qabo Argagixisada iyo Burcad Badeedda,

Mareykanka ayaa dagaal kula jira dagaalamayaasha Al-shabaab, waxayna inta badan uu geystaa weerarro u badan dhinaca cirka ah oo ay fuliyaan diyaraadaha aan duuliyaha lahayn.