Muqdisho-KNN-Milatariga Mareykanka ayaa qorsheynaya in uu sii wado, waxa uu ugu yeeray xornimada socdaalka oo uu ka wado xeebaha koonfureed ee Shiinaha.
David Goldfein oo ka tirsan ciidanka Badda Mareykanka ayaa sheegay in
qorshahaan ay uga gol leeyihiin sidii looga hortagi lahaa in shiinaha uu
gacanta ku dhigo gobolka Istaraatiijiga u ah marinka Ganacsiga.
Mr Goldfein ayaa intaa raaciyay in Washington ay ka go,antahay in ay difaacdo
saaxiibada ay ku leedahay gobolka hadii ay dhacdo weerar ka dhan ah
maraakiibtooda, kadib wareysi uu siiyay warbaahinta Rappler.
Hadalkaan ayuu ka sheegay kadib booqasho uu ku tagay magaalada Manilla ee caasimada u ah dalka Filibiin waxaana socdaalkan ku wehlinayay Charles Brown oo ka tirsan saraakiisha ciidanka cirka Mareykanka.
Dalka Filibiin oo dhanka koonfureed xad kala leh dalka Shiinaha ayaa waxay isku heestaan dhul biyood u dhaxeeya labada dal waxaana halkaasi sanad waliba mara ganacsi gaaraya boqolaal trillions oo dolar-ka Mareykanka.