Somali News

Mareykanka oo hub ka iibinaya Israel

Mareykanka ayaa ansixiyay in Israa’iil laga iibiyo hub degdeg ah, kaddib markii ay is khilaafeen Congress-ka, sida uu dhigayo sharciga xakameynta dhoofinta hubka, kaasoo madaxweynaha siinaya awoodda uu ku xakameyn karo soo dejinta iyo dhoofinta qalabka militariga.

Waaxda Gaashaandhiga ayaa Sabtidii sheegtay in maamulka Biden uu adeegsaday awoodda degdega ah si uu ugu oggolaado in la gaarsiiyo 14,000 oo madaafiic ah Israa’iil, iyada oo aanu dib u eegis ku samayn Congress-ka.

Kaalmada militariga waxaa sidoo kale ka mid ah rasaasta lagula dagaalamo taangiyada, waxa lagu qiimeeyay in ka badan boqol milyan oo doolar.