Somali News

Mareykanka oo Iran ku eedeeyay weerar lagu qaaday safaaradiisa Ciraaq.

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Iran ugu hanjabay in ay bixin doonto qarashaadka ku baxaya qasaarihii ka dhashay weerar lagu qaaday safaarada uu ku leeyahay magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq.

Trump ayaa bartiisa twiterka kusoo qoray “Iran ayaa bixin doonto qarashaad aad u badan oo ah qasaaraha ka dhashay weerarkaasi.”

Dibad baxyaal careesan ayaa weeraray saafaradda Mareykanka uu ku leeyahay magaalada Baqdaad, kadib markii lasheegay in ay ka caroodeen weerar dhanka cirka ah oo uu Mareykanku ku laayay xubno badan oo shiica ah.

Xoghayaha difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa dhankiisa ku dhawaaqay in ciidamo gaaraya 750 askari lagayn doono gobolka.