Somali News

Mareykanka oo ka digay in la siyaasadeeyo Ciidanka militariga ee Dalkaas

Muqdisho-kNN-Wasaaradda Gaashaan Dhigga ee dalka Maraykanka ayaa ka digtay in Aqalka Cad uu siyaasadeeyo milatariga, iyadoo bartanka lagaga jiro muran ku saabsan markab ay isku magac yihiin John McCain oo ah Senator hore oo geeriyooday.

Toddobaadkii hore ayuu Aqalka Cad dalbaday in la qariyo markabka USS John S McCain inta madaxweynuhu uu khudbadda ka jeedinayo Japan.

McCain oo sannadkii hore geeriyooday ayaa aad u dhaliili jiray madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Qorshahaas lama dhaqangalin, Patrick Shanahan oo ka mid ah madaxda waasaradda Gaashaan Dhigga ayaana sheegay in uusan sii wadayn baaritaan arrintaas ku saabsan.

“Siyaasadayn boos ugama bannaana milatariga,” ayuu yiri Shanahan oo saxafiyiinta la hadlay. “Arrintanna sida ugu habboon ayaan wax uga qaban doonaa” ayuu intaas ku sii daray.

Gaashaanle dhexe Joe Buccino oo ah afhayeenka Shanahan ayaa sheegay in wasaaradda Gaashaan Dhiggu ay arrintan la soo qaadday Aqalka Cad ka dib kulan ay Jimcihii yeesheen.

Madaxweyne Trump ayaa codsigaas difaacay toddobaadkii hore, wuxuuse sheegay in uusan ka warhayn in codsi noocaas ah la sameeyay, balse qofkii sameeyay “uu wanaag” ula jeeday ficilkiisa.