Somali News

Mareykanka oo ka hadlay duqayn ay ka fuliyeen Soomaaliya

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa faah faahin ka bixiyay duqayn ay ka fuliyeen bartamaha Soomaaliya, gaar ahaan Gobalka Hiiraan. Mareykanka ayaa sheegay in duqayntaasi ay ku dileen dagaalamayaal Al-shabaab ah, sidoo kalane lagu bur-buriyay Saldhigyo ay daganayeen Al-shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in howlgalka intii uu socday ay ka qeyb qaateen diyaaradaha aan duuliyaha la heyn ee Mareykanka, islamarkaana lagu burburiyay Gaadiid iyo goobo muhiim ah oo ay lahaayeen Al-Shabaab.

“Dowladda Mareykanka  waxaa ka go’an sii wadista beegsiga Al-Shabaab si ay uga hor tagaan dhibaatooyinka ay shacabka ku hayaan,iyadoo sidoo kale mar walba la xaqiijinayo in aan khasaare dhimasho iyo dhaawacba soo gaarin dadka rayidka ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay taliska Mareykanka.

Gobalka Hiiraan ayaa waxaa maalmahaan ka socday duqayn lagula beegsaday fariisamaha Al-shabaab, waxaa la sheegay in Al-shabaab ay bilaabeen in ay ka baxaan degaano ku yaala Hiiraan kadib markii lala eegtay dhowr duqayn oo khasaare dhaliyay.