Somali News

Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Shabeelaha Hoose.

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ee Africom ayaa waxaa looga hadlayay duqeyn ay ka fuliyeen saldhigyo Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Gobalka Shabeelah Hoose.

Mareykanka ayaa sheegay in duqeynta ay ka dhacday deegaan lagu magacaabo Huley oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.

Taliska ayaa sheegay in Khasaaro lixaad leh ay gaar siiyeen dagaalamayaal ak tirsan Al-Shabaab.

Balse taliska Mareykanka ma sheegin tirade rasmiga ah ay ku dileen duqeyntii ka dhacday Gobalka Shabeelaha Hoose.

Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymha ay ka fulinayaan deegaanada ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.