Somali News

Mareykanka oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Shabeellada hoose

War qoraal ah oo ka soo baxay taliska Ciidamada Maraykanka ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa looga hadlay duqeymo ay diyaaradaha Mareykanka ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose

Taliska Africom ayaa qoraalkooda Ku sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 29-kii Bishaan Saddex duqeyn fuliyeen oo laba kamid ah ay la beegsadeen Xarumo Al-Shabaab ku leeyihiin deegaanka Kuunya-Barow  halka midka kale ay ka geysteen deegaanka Caliyoow Barrow ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Sidoo Taliska mareykanka ayaa xaqiijiyay in duqeynta lagu bur buriyey laba Gaari, islamarkaana waxaa lagu diley laba Xubnood oo uu kamid yahay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab