Somali News

Mareykanka oo ka horyimid in haweeney ay hoggaamiso Ururka Ganacsiga Adduunka

Mareykanka ayaa ka soo horjeestay magacaabidda wasiirkii hore ee dhaqaalaha ee Nigeria inay hoggaamiso Ururka Ganacsiga Adduunka (WTO).

Guddiga magacaabidda ee WTO ayaa usoo jeediyay 164-ta xubnaha ka ah ururka inay soo magacaabaan Ngozi Okonjo-Iweala.

Waxay noqon doontaa haweeneydii ugu horreysay isla markaana Afrikaan ah oo hoggaamisa WTO.

Balse Mareykanka, oo cambaareeya sida WTO uu u maarreeyo ganacsiga adduunka, ayaa doonaya haweeneyda ka soo jeedda Kuuriyada Koofureed, Yoo Myung-hee, isagoo sheegay inay isbeddel ku sameyn karto ururka.

Ms Okonjo-Iweala ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay in loo magacaabo hoggaaminta ururka.

Balse hannaanka afarta bilood qaadan doona ee soo xulista qofka noqon doona agaasimaha guud ee WTO ayaa waxaa ku hor gudban caqabad, kaddib markii xukuumadda Washington ay sheegtay inay sii wadi doonto taageerada ay u heyso wasiirka ganacsiga Kuuriyada Koofureed.