Somali News

Mareykanka oo kaalimaha hore ka galay dalalka lagu dhibaateeyo Dumarka

Muqdisho-KNN-Sahan ay shaaca ka qaaday warbaahinta Thomson Reuters Foundation ayaa lagu sheegay in dalka Hindiya uu yahay dalka ugu halista badan ee dumar ay ku noolaadaan.

Haweenka Hindiya ayaa la kulma tacaddiyo dhanka galmada ah, faquuq dhanka dhaqanka ah, addoonsi iyo dhibaatoyinka qoys.

Dalalka Afghanistan iyo Suuriya ayaa kaalmaha labaad iyo saddexaad kaga jira goobaha dumarka ay khatarta uga badan ay soo wajahdo. Halka dalka Mareykanka uu kaalinta 10-aad kaga jiro dalalkaasi.

Haweenka ku dhaqan Mareykanka ayaa la kulma dhibaatooyin dhanka kufsiga, tacaddiyada galmada iyo inay caddalaadda heli waayeen dumarka la kufsaday.

Thomson Reuters Foundation wuxuu wareysiyo la yeeshay ilaa 550 khuburro oo ku takhasusay arrimaha haweenka intii u dhexeeysay Marso iyo May.