Somali News

mareykanka oo kahadlay aragtidiisa ku aaddan aqoonsiga somaliland

Mareykanka  ayaa sheegay in siyaasaddiisa Somalia ay tahay 1 mid oo qura taasi oo ah iney aqoonsanyihiin Somalia madaxbanaanideeda dhuleed   iyo sohdimihii lasameeyay  marki ay Somalia kaxorowday gumeystayaashi  Taliyaaniga iyo ingiriiska.

Safiirka  mareykanka uqaabilsan Somalia Danjire Larry Andre  ayaa xusay in mareykanku uu ixtiraamayo madaxbanaanida Somalia islamarkaana qadiyadda aqoonsiga Somaliland ay tahay arrin loobaahanyahay in ay kawadahadlaan   dowladda Somalia iyo Somaliland.

“siyaasaddeenna waa mid qura taasi oo lamid ah tii Somalia loo aqoonsaday 62 sano kahor dal madaxbanan tan iyo markii ay midoobeen gobolladii waqooyi iyo kuwii koonfur  sidoo kalana lasameeyay xuduudo “  hadalkan ayuu kasheegay safiirka mareykanka ee Somalia Larry Andre munaasaabad ballaaran oo lagu xusay 62 sano guuradii kasoo wareegtay markii ay gobollada koonfureed ay kaxoroobeen gumeystihii taliyaaniga islamarkaana uu dhacay midowgii gobollada waqooyi iyo koonfur.

Somaliland ayaa dadaal ugu jirta sidii ay u heli ictiraaf caalami ah iyadoo hadalka mareykanka kasoo yeeray uu Somaliland kuyahay wajigabax maadaama mareykanku uu hoosta kaxarriiqay in aqoonsiga Somaliland uu yahay wax uyaalla Somalia iyo Somaliland.