Somali News

Mareykanka oo ku guul darreystay cunaqabateynta Iran

Muqdisho-KNN-Mareykanka ayaa ku guul daraystay tallaabo uu doonayay in mar kale lagu cunaqabateeyo dawlada Iran.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka Mike Pompeo ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey,waxa uu ka hor dalbaday in markale la saaro dawlada Iran cunaqabeyntii laga qaaday.

Mr Pompeo ayaa ku fasiray tallaabadan in y xal u tahay dhammaanba dunida, sida uu aaminsan yahay, haddii cunaqbateynta lagu soo celiyo Iran.

Balse nasiib darro ayuu kala kulmay arrintaas, kadib markii uu waayay cid ku garab siisay ololihiisa ee cunaqabateynta Iran.

Xoghayaha ayaa u muuqda mid aan weli ka rajo dhigin ololihiisa, maadaamada uu warbaahinta u sheegay kulankii uu guul darrada kala kulmay kadib, in uu markale dib ugu soo celin doono Golaha Amninga, bilo kadib.