Uncategorized

Mareykanka oo la filayo in uu Ikhwaanul Muslimiin ku daro liiska Argagixisada

Muqdisho-KNN-Maamulka Madaxweyne Trump ayaa la filayaa in uu ku dhawaaqo in ururka Ikhwaanul Muslimiin uu yahay urur argagixiso oo shisheeye, sida laga soo xigtay Aqalka Cad ee Mareykanka.

Ku tilmaamida urur argagixiso xarakadan ayaa sababi doonto xayiraado dhanka dhaqaalaha iyo safarka ah oo ku timaado dhaqdhaqaaqa ugu qadiimsan dalka Masar, iyadoo ay ka mid yihiin in ka badan hal milyan oo xubnood oo ku suga guud ahaan Bariga Dhexe.

Go’aankan ayaa kusoo beegamaya kaddib markii uu madaxweyne Cabdul Fatax Al-Sisi uu booqday bishii April Aqalka Cad.

Mr Sisi ayaa weydiistay madaxweyne Donald Trump inuu ku dhaqaaqo tallaabdan sida ay baahisay warbaahinta Mareykanka.

Maalintii Talaadada, afhayeenka Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa xaqiijisay in maamulka Trump nuu ku dedaalayo in tallaabadaasi lagu dhaqaaqo.