Somali News

Mareykanka oo laga xusayo weeraradii September 11

Muqdisho-KNN-Dadka Mareykanka ayaa maanta xusaya sanad-guuradii 18-aad ee weerarkii dadka badan lagu laayay ee dhacay 11-kii September 2001-dii.

Weerarkaas ayaa waxaa uu galaaftay nolosha dad gaaraya 3,000 oo qof, kuwaas oo lagu kala dilay New York, Virginia iyo Pennsylvania.

Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa waxaa la sheegay in maalinkaas uu ku xusay daqiiqad aamusnaan ah, taas oo uu ku qabtay Aqalka Cad ee Mareykanka,, ka hor inta uusan ka qeyb galin xaflad ka dhaceysa Pentagon-ka, taas oo ay iskugu yimaadeen qoysaska dadkii lagu dilay weerarkaas oo ay fulisay kooxda Al-Qacida.

Weerarkaas ayaa waxaa gabi ahaanba lagu bur-buriyay daarihii mataanaha ahaa ee xaruntii ganacsiga adduunka, kaddib markii lagu dhuftay labo diyaaradood oo ay afduubatay koox xiriir la leheed dagaalyahanada Al-Qaacida.

Kooxdaas ayaa afduubatay diyaaradii United Airlines Flight 93, kadib markii ay kala wareegeen dhamaan rakaabkii watay, waxeyna kooxdaasi ka koobneed  19 nin oo la sheegay in ay  xariir la lahaayeen kooxda Al-Qacida ayaa fuliyey afduubka afarta diyaarad ee lagu fuliyey weerarka.