Uncategorized

Mareykanka oo lagu xukumay Cadaan weerari rabay Masaajidyo iyo guryo Soomaali dagan yihiin

Muqdisho-KNN-Maxkamad ku taala gobolka Kansas ee dalka Mareykanka ayaa xukun xabsi ah ku riday sedax eedeeysane oo Ameerikaan ah.

Kuwaas oo lagu eedeeyay in qaraxyo iyo weeraro ay u geysan rabeyn Masaajidyo iyo guryo dad Soomaali ah ay dagan yihiin.

Falkaas ayaa maxkamada ay ku tilmaantay in uu yahay argagaxiso.

“Argigixisada, haddii Mareykan yihiin ama ajaanib kala yihiinba waa in la hor istaago” ayuu yiri garyaqaanka Stephen McElster

Ragan oo kala ah Curtis Allen, Javin Wright iyo Patrick Eugene Stein, ayaa  maxkamada waxay ku xukuntay xabsi daa’in, iyagoona la soo qabtay sanadkii 2016kii.