Somali News

Mareykanka oo liiska Argagaxisada ku daray kooxda Jamaacatul Al-Hijra

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa shalay oo Khamiis aheyd soo saartay warqad  waxa ay liiska Argagixisada ku dartay kooxda Jamaactu Al Hijra oo la sheegay inay ka hawlgasho Soomaaliya iyo Kenya, islamarkaana ay xiriir u dhow la leedahaydagaalamayaasha  Al-Shabaab.

Wasaarada ayaa waxaa ay sheegtay in isbadal badan klagu sameeyay jadwalka ay ku jirtay dagaalamayaasha  Al Shabaab oo Soomaaliya u qaabilsan ururka  Al Qaacidda, iyadoona wasaarada qoraalkeeda ku sheegtay in ay  balaarisay in  liiska Argagixisada ku soo dartay ururka Jaamacatu Al-Hijra.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa sheegtay in kooxda Al Hijra la asaasay sanadkii  2008-dii waxaana lagu dhisay  magaalada Nairobi ee dalka Kenya,iyadoona wasaarada ay tilmaamay  inay tahay xubin  Al Shabaab ee u qaanilsan Kenya.

Qoraalka ay soo daabacday wasaarada  oo aad u dheeraa ayaa waxaa kale lagu shaaciyay in Ururka Jaamacatu  Al Hijra  ay gacan ka geysatay askareynta xubnaha Shabaab ku biiraya, waxaan ay fududeysay in xubnaheeda ay si caadi ah ugu safraan dalka kenya.