Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu maanta taageerada kala noqdo heshiiska Nuclear-ka Iran, hase yeeshee lama filayo inuu baabi’iyo heshiiska.
Trump ayaa la filayaa inuu shaaca ka qaado, waxa ay saraakiisha ugu yeereen istaraatiijiyad cusub oo adag oo heshiiskan ku aadan.
Khudbad la filayo inuu maanta jeediyo, ayay saraakiisha Aqalka Cad sheegeen, inuu Trump ku sheegi doono inaysan danta amniga qaranka Mareykanka ku jirin inuu sharciyeeyo heshiiskan oo la gaaray 2015, kaasi oo ay ku lug lahaayeen Washington iyo shan dal oo kale.
Haddii uu sidaas sameeyo, waxa ay tani billaabi doonbtaa 60 maalmood oo congress Mareykanka ay tahay inay go’aan uga gaaraan inay dib usoo rogaan cunaqabateyntii dhaqaale ee horey looga qaaday Iran, heshiiska dartiis.
Xubno badan oo Jamhuuri iyo Dimoqraadi ah ayaa diidan in Iran dib loo saaro cunaqabateyn, taasi oo baabi’in doonta heshiiska, waxaana la filayaa in Trump uusan ka dalban congress-ka inay sidaas sameeyaan.