Muqdisho-KNN-Dowladda Mareykanka ayaa Ankara uga hanjabtay inay ku soo rogi doonto cuna qabateyn haddii Turkigu joojin waayo hubka uu ka soo iibsado wadanka Ruushaka,
Mareykanka ayaa si gaar ah u diidan inuu Turkigu soo iibsado gantaalada loo yaqaano S4, kaas oo wal-wal badan ku abuuray wadamada la isku yiraahdo Neyto.
Tani waxaa ay imaaneysaa iyada oo wadamada Neyto ay u dabaal degayaan 70 sano guuradii ka soo wareegatay aas-aaskii ururka, waxaana magaalada London ee dalka UK uu haatan shir uga socdaa wadamada ku bahoobay urukaas.


