Somali News

Mareykanka oo markii ugu horeysay Cunna-qabateyn Saaray Saraakiisha ugu sareysa Militariga Myanmar.

Muqdisho-KNN-Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu cunaqabateyn kusoo rogay taliyaha Militariga Myanmar Min Aung iyo Seddax hoggaamiye Militari oo kale.

Saraakiishaas ayaa lagu eedeeyay doorkii ay ku lug lahaayeen wax loogu yeeray isir sifeen oo lagula dhaqaaqay muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingya.  

Wasaaradda arimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in ay talaabooyinkaas ay qaadeen kaddib cadeymo ay u heleen in ay ka danbeeyeen barakac ay sameeyeen labo sano kahor 740,000 oo muslimiinta Rohingya kuwaas oo ka gudbay xadka Bangladesh.

Talabaadaas ay qaaday dowladda Mareykanka ayaa ah tii ugu horeesay oo ay cunaqabateyn ku saaraan Saraakiisha sar sare ee Miliratiga Burma sida uu sheegay xoghaya arimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo.

 “Wali waxaan ka walaacsan’nahay in dowladda Myanmar aysan wax talaabo ah ka qaadin kuwa ku tumanaaya xuquuqda aadanaha” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Pompeo.

Baarayaal ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa ku eedeeyay Saraakiisha ugu sar sareysa Militariga Myanmar in ay galeen xasuuq ka dhan ah bini’aadannimada, iyadoona Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada dagaalka ay bliwaday baaritaanada  eedeymahaasi.