Somali News

Mareykanka oo meel mariyay balaayiin doolar oo ay hub kaga iibsanayaan Taiwan.

Muqdisho-KNN-Wasaarada arimaha dibada ee Mareykanka ayaa meel marisay balaayiin doolar oo hub lakaga iibinayo Jasiirada Taiwan oo isku aragta dal kamadax banaan Shiinaha iniisa kale.

Pentagon’ka Mareykanka ayaa ku qiyaasay lacagta hubka lakaga iibinayo Taiwan in ay gaareeso $2.2 bilyan taas oo ka hor imaanayso dhaliishii Shiinaha ee heshiiskan.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa bishii lasoo dhaafay sheegay in uu aad uga walaac sanyahay heshiiska hordhaca ah oo ay gaareen Mareykanka iyo Taiwan.

Heshiiskan hubka lagukala iibsanayo ayaa waxaa codsatay Taiwan oo guluf colaadeed kala dhaxeeyo dal waynaha Shiinaha.

Inkastoo aysan Washintong xiriir toos ah lalahayn Taiwan ayaa haddana waxa ay ka caawisaa dhanka difaaca.

Taiwan oo sheegtay in ay ka go’day Shiinaha intiisa kale ayaa aqoonsi ka haysato wax kayar 20 dowladood.