Somali News

Mareykanka oo Mexico ka dalbaday ka hortaga muhaajiriinta galaya xuduuddiisa.

Muqdisho-KNN-Wasiirka arrimaha Dibadda  ee Mexico ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wadamadda Latin America kala shaqeeyaan in la yareeyo qul-qulka muhaajiriinta.

Marcelo Ebrard ayaa sheegay in ay isku dayi doonaan in ay adkeeyaan xuduudooda koofureed si loo helo yareeynta deg-degga ah ee Muhaajiriinta ee uu dalbaday Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Mexico waxay heeysataa 45 maalmood si ay u yareeyso tiradda muhaajiriinta dalkeeda kasoo gudbaya ama waxay wajihi doontaa Canshuur ganacsi.

Inkastoo aan weli  bartilmaameed rasmi ah la sameeyn, hadana Wasiirka arrimaha dibadda ee Mexico Ebrard waxaa uu sheegay in wixii lagu balamay la qiimeeyn doono bartamaha Bisha July.