Somali News

Mareykanka oo qaaday tallaabo uu si weyn uga carooday Shiinaha

Muqdisho-KNN-Wasiir ka tirsan xukuumadda madaxweyne Trump ayaa maanta oo Isniin ah la kulmay madaxweynaha Taiwan – tallaabadaas oo ka careysiisay Shiinaha, siina xoojisay xiisadda u dhaxeysa Washington iyo Beijing.

Alex Azar, oo ah Wasiirka Caafimaadka iyo bani’aadamnimada ayaa noqday siyaasigii ugu heer sarreeyay ee Mareykan ah oo muddo tobannaan sano gudahood ah booqday Jasiiradda Taiwan.

Taiwan ayaa ah mid ay dunida kale u aragto dal madax-bannaan, laakiin Shiinaha ayaa u aaminsan inay tahay gobol uu isagu leeyahay.

Dowladda Shiinaha ayaa Mareykanka ugu baaqday inay xushmeyso waxa ay ugu yeedhtay “dalweynaha Shiinaha” iyo nidaamyadiisa.

“Shiinaha wuxuu si adag uga soo horjeedaa xiriir kasta oo rasmi ah oo dhex mara Mareykanka iyo Taiwan,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha. Wuxuu hadalkaas jeediyay markii isbuucii lasoo dhaafay la shaaciyay booqashadan.

“Waxaan ku boorrineynaa Mareykanka… inuusan wax calaamado khaldan ah u dirin ‘Arrimaha qornimada Taiwan’ si looga hortago inuusan aad usii xumaanin heer waxyeello ahna gaadhin xiriirka Mareykanka iyo Shiinaha.