Somali News

Mareykanka oo sameynaya Xulifo Ilaalisa Biyaha Caalamiga ah.

Muqdisho-KNNGeneral Sare oo ka tirsan ciidanka military-ga Mareykanka ayaa sheegay in dalkiisu uu abuurayo xulifo military oo uu ku ilaalinayo biyaha caaalamiga ah ee ku xeeran dalalka Iran iyo Yemen.

General Joseph Dunford ayaa sheegay in xulifadda uu dalkiisu sameynayo ay xaqaaiijin doonaan isu socod xor ah ee gaadiidka badda islamarkaana ay ilaalin doonaan amaanka dhabeyaasha Ganacsiga.

Bishii lasoo dhaafay Mareykanka ayaa Iran waxaa uu ku eedeyay in ay weerartay Maraakiib saliid siday oo marayay biyaha Khaliijka kadib qarax lala beegsaday labo markab.

General Dunford ayaa sheegay in Mareykanku uu wadahadallo la furay dalal badan oo ay xiriir siyadeed leeyihiin kuwaas qorshaha taageeri doona.

Mareykanku waxaa uu sameyn doonaa Talis iyo ilaalo maraakiib ah, laakiin ujeedku wa in ay dalal kale iyaguna bixiyaan Maraakiib gaaf-wareeg ku sameeya inta u dhexeeysa talisyadda.