Somali News

Mareykanka oo Sare u qaaday duqeymaha uu ka fuliyo Dalka.

Muqdisho-KNN-Ciidamada mareykanka gaar ahaan kuwooda ka hawlgala gudaha Soomaaliya ayaa sara u qaaday duqeymaha ay la beegsanayaan dagaalamayaasha al-Shabaab iyagoona sanadkan oo qura inkabadan 25 weerar oo dhanka cirka ka gaystay gudaha Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay Africom ayaa lagu sheegay in weeraradii ugu danbeesay ee al-Shabaab oo ku xiran Al-Qacida kula beegsadeen gudaha Soomaaliya lagu dilay dagaalamayaal gaaraya 244 dagaalame.

Tan iyo markii uu talada dalka mareykanka lawareegay madaxwayne Donald Trump waxaa sara u kacay duqaymaha dhanka cirka ah ee mareykanku labeegsadaan al-Shabaab.

Tan iyo bishii Maarso sanadkii 2017’dii duqaymihii ugu badnaa ee dhanka cirka ah ayay mareykanku soomaaliya ka fuliyeen sanadkii inadhaafay ee 2018 markaas oo duqaymaha mareykanku ay gaareen 47 weerar waxaana weeraradaasi ku dhintay 338 dagaalame oo al-shabaab katirsan sida ay mareykanku sheegayaan.

Qubarada ka faaloota arimaha amaanka ayaa sheegaya in sanadkan 2019 uu noqon karo sanadkii ugu badanaa ee gudaha soomaaliya ka fuliyaan weerarada dhanka cirka iyadoona duqaymaha ay sanadkan oo qura ay fuliyeen ee ku dhaw yihiin 30 weerar.

Milatariga mareykanka ayaa dagaalamayaasha al-Shabaab ku qiyaasay in ay kabadan yihiin 4,000 oo dagaalame.