Uncategorized

Mareykanka oo shaaciyay in ciidamada kaga harsan Iraq ay kala baxayaan.

Bayaan si wadajir ah ay u soo saareen Dowladaha Mareykanka iyo Iraq ayaa lagu sheegay in ciidamada mareykanka askarta kaga harsan Iraq ay kala bixi doonto dabayaaqada sanadkaan.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in kaliya ay ka hari doonaan koox tababarayaal ah oo ciidanka Iraq tababaraya.

Bayaanka ayaa sidoo kale shaaca looga qaaday in ay labada dal iska kaashan doonaan la dagaalanka kooxda Daacish.