Somali News

Mareykanka oo shaaciyay khasaaraha soo gaaray ciidamadiisa lagu weeraray Ciraaq


Dawlada Mareykanka ayaa qiratay in weerarkii ay Iran ku qaaday dalka Ciraaq, ay kaga waxyeeloobeen qaar kamid ah askartiisa ku sugan dalkaasi Ciraaq.

Waxa ay sheegay in 11 askari oo kamid ah askarta Mareykanka ee ku suga dalkaasi ay dhaawacyo ka soo gaadheen, weerarka oo si gaar ah Iran ugu qaaday saldhigyo Mareykanku ku leeyahay dalkaasi, sida laga soo xigtay saraakiil Mareykan ah oo magacyadooda warbaahinta ka qariyay.

Weerarkan ayaa Iran waxa ay ku sheegatay in ay ku dishay in ka badan 80 askari halka 100 kalena ay ku dhaawaceen.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa horay waxa uu sheegay mar uu la hadlay war baahinta in aysan ciidamada Mareykanku aysan wax khasaaro ah ka soo weerarkaas, balse ugu dambayn ay qiratay dawladda Mareykanka