Uncategorized

Mareykanka oo sheegay in Al-shabaab ay doonayaan in ay cabsi galiyaan dhalinyarada

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay dowlada Mareykanka ayaa lagu cambaareeyay qaraxii miino ee shalay galinkii dambe ka dhacay magaalada Baraawe ee xarunta maamulka Koofur-galbeed.

Weerararkaas wuxuu mareeykanku ku tilmamay mid bahalnimo ah oo Al-shabaab ay doonayaan in ay dhalinyada ku cabsi galiyaan.

Mareykanka ayaa sheegay in uu aad ugu xunyahay qarixaasi oo ay ku dhinteen dhallinyaro ku sugnaa garoon lagu ciyaaro kubadda cagta oo ku yaala Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Warkaan qoraalka ah ee ka soo baxay Mareykanka ayaa lagu yiri waxaan tacsiyo u direynaa dhamaan qoysaskii ay ka geeriyoodeen dadkii dhintay wuxuuna Cafimad u rijeeyay Kuwa dhaawaca ah.