Uncategorized

Mareykanka oo sheegay in ay wiiqeyn awooda Al-shabaab

Muqdisho-KNN-Mareykan ayaa sanadkaan aan ku jirto ee 2018 waxaa uu gudaha Soomaaliya ka fuliyay duqeymo diyaaradeed oo gaaraya ilaa iyo 12 duqeyn oo tii ugu dambeysayna  ay Arbacadii la soo dhaafay ka fuliyeen deegaan la yiraahdo Jannay Cabdale oo ka tirsan gobolka  Jubbada Hoose sida lagu xaqiijiyauy war ay soo saareen Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika ee AFRICOM.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa warbixin laga qoray waxaa lagu sheegay in ay saameeyn weyn oo xaga dhaqa dhaqaaqa ah ku yeelatay duqeynta ay Mareykanka la eegtaan meelaha ay kaga suganuyihiin koonfurta Soomaaliya.

Gobolada Jubooyinka , Gedo , Baay , Bakool iyo labada Shabeele ayaa ah meelaha ay Al-shabaab inta badan ka fuliyaan dagaalo ay ku qaadaan ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Soomaaliya ee ku sugan goboladaasi balse tan iyo markii sanadki hore iyo sanadkaan socda ay korotay duqeymaha Al-shabaab lala beegsado ayaa lagu wiiqay awooda Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiil u hadashay Taliska Mareykanka oo warbixin ka dhiibay natiijada ka dhalatay duqeymaha isdaba jooga ah ee ay fuliyaan ciidamada Mareykanka ee Afrika.