Muqdisho-KNN-Militariga Mareeykanka ayaa sheegay in ay dileen labo dagaalame oo ka tirsan Al-shabaab mid kalena ay dhaawaceen kadib duqayn ay ka fuliyeen qeyb ka mid ah Soomaaliya.
War laga soo saaray Taliska Qaaradda Africa ee ciidamadda Mareeykanka ayaa lagu sheegay in duqaynta Isniintii lasoo dhaafay laga fuliyay meel u dhow Degmada Jilib oo ka tirsan Gobolka Jubadda dhexe.
Mareeykanka ayaa qaaday Weerarro isdaba joog ah oo uu u adeegsaday isagoo Diyaaradaha Drones isagoo tilaabadaas ku sheegay teegeero amni oo Dowladda Soomaaliya Mareeykanku ku caawinayo.
Inta badan duqaymaha Mareeykanku wuxuu la beegsadaa Al-shabaab, inkastoo tiro aan badneeyn uu duqaymihiisa la beegsaday Daacish oo kusugan Bariga Soomaaliya.
Weerarka Isniintii waa weerarkii Lixaad ee Mareeykanku Al-shabaab laga beegsaday Sanadkaan, Todobaadkii lasoo dhaafayna Labo jeer ayuu Mareeykanku Duqaymo ka fuliyay Soomaaliya.
In ka badan 30 Weerar oo ay Fuliyeen Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ayaa Sanadkii Tagay ka dhacay Soomaaliya.