Uncategorized

Mareykanka oo Sheegay in Duqeyn ay ku dishay Sarkaal ka Tirsan Al-Shabaab.

Duqeeyn Military-ga Mareykanka uu Somalia ka geeystay ayaa waxaa lagu dilay Sargaal ka Tirsan Al-shabaab waxaana la dhaawacay mid kale, sida Military-ga mareeykanku uu sheegay Jimcihii.

War kasoo baxay Taliska Mareeykanka ee Qaaradda Africa ayaa lagu sheegay in Duqeeyntu ay ka dhacday Duleedka degmadda ee Gobolka shabeelaha hoose Qamiistii lasoo dhaafay.

ugu yaraan Hal Gantaal lagu dhuftay Bartilmaadeed ku yaala Duleedka Baraawe, Halkaas oo Al-shabaab ay kasoo qaadaan weeraradda ay la Beegsadaan Magaalooyinka ay Dowladdu heysato, sidaas waxaa Wakaaladda Wararka ee AP usheegag sargaal ka tirsan Sirdoonka Somaaliya oo aan Magaciisa la shaacin.

“Al-shabaab waxaa ay Maamulkooda ka aasaaseen Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxaayna Halkaas  u isticmaali jireen in ay ka qaadaan weeraradda argagixisadda walina way ku  howlan  yihiin argagixisadda” ayaa sidoo lagu yiri warka Mareykanka kasoo baxay.

Dowladda mareeykanka ayaa weeraradda ugu badan ee ay soomalya ka fuliso la beegsata Al-shabaabka ku sugan Shabeelaha Hoose.