Somali News

Mareykanka oo sheegay in duqeyn ka dhacday Gobalka Hiiraan ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Military-ga Mareeykanka ayaa sheegay in uu Duqayn ku dilay 24 Dagaale oo ka tirsan A-shabaab kadib markii uu beegsaday Saldhig ay ku leeyihiin koofurta Soomaaliya.

Duqaynta oo arbacadii dhacday waxaa bartilmaameedkeedu ahaa Saldhig ay Al-shabaab ku leeyihiin deegaanka Shabeeley ee Bartamaha Gobolka Hiiraan, sida lagu sheegay War uu soo saaray taliska Mareeykanak e Qaaradda Africa.

Weerarkaan ayaa waxaa uu imaanayaa Labo Todobaad ka dib markii uu Mareeykanku duqayn ka dhacday Jubadda hoose uu sheegay in uu u dilay 52 Dagalame oo ka tirsan Al-shabaab.

Taliska Mareykanka ayaa waxaa ay wacad ku mareen in ay sii kordhin doonaan duqeymaha ay la beegsanayaan xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish.

Mareeyakanka ayaa joogteeyay Weeraradda ka dhan ka ah Al-shabaab isagoo Dowladda faderalka ah ee Soomaaliya ka taageeraya xaqiijinta Amniga Dalka.

Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay in ay deegaano hor leh ooka tirsan Gobalada qaar ay ka barakaceen, kadib markii ay soo wajahday cabsi, taasi oo ku aadan in ay diyaaradaha mareykanka ay duqeymo la beegsadaan.