Uncategorized

Mareykanka oo sheegay in Duqeyntii ka dhacday degaanka Mubaarak ay la beegsadeen gaari Shabaab ay ka Soo buxiyeen Waxyaabaha Qarxa.

Muqdisho-KNN-Dowladda Mareeykanka ayaa sheegtay in Ciidamdeeda Qaaradda Africa ay fuliyeen Duqayn ay la beegsadeen gaari ay Al-shabaab wax yaabaha Qarxa kasoo buuxiyeen.

Mareeykanka ayaa sheegay in Weerarka ay ka Fuliyeen Meel 65 KM u jirta Casimadda Muqdisho, Ciidamadda Mareeykanka ayaa weerarkaasi waxay fuliyeen  Talaadadii Saacaadihii hore.

Duqaynta waxaan ku taageereeynay Saaxiibadeen si aan meesha uga saarno Qatarta.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay duqeymo la beegsanayeen Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan qeybo ka mid ah gobalada Dalka.